Caafimaadka haweenka

Adeegyada aan qabto waa
  • Daawaynta cudurada ugu badan ee Haweenka
  • Daawaynta xanuunada ka dhasha gudniinka fircooniga
  • Daawaynta Isku dheelitir la'aanta hoormoonada haweenka
  • Caafimaadka xubnaha taranka ee dumarka
  • Yaraynta miisaanka culus ama xadka ah
  • Qorshaynta qoyska & uurka
  • Daryeelka dhalmada ka dib
  • Daawaynta xanuunada dheefshiidka
  • Daawaynta cudurada maqaarka
Iyo qaar kaloo badan

Waxaan ku siin doonnaa la talin buuxda si aad ku hesho is beddel caafimaad. Waxaan kula diyaarin doonaa sida looga hortago cudurrada inta badan ku dhaca haweenka. Waxaan sidoo kale kula diyaarin doonaa cuntada iyo nafaqada adiga gaar kuu ah.

Barnaamijka la talinta caafimaad waxaa la socda barashada habka iyo noocyada cunto eel eh caafimaad badan. Sidoo kale, waxaad baran doontaa cuntooyinka iyo cabitaannada aan caafimaadka lahayn ee laga fogaado.

1aad
Sii diyaarso:

Waxaad sii diyaarsataa wax alla wixii waraaqo baaris ah aad haysato.

Mudada iyo Taariikhda xanuunkaaga, Daawooyinka aad haysato ama horay u qaadatay.   

2aad
Qabso Balan

Riix Meesha ka muuqato calaamada WhatsApp. Ama qoro numberkayga Whatsapp-ka +523322017974. Waxaad iisoo qortaa taariikhda iyo saacada aad rabto inaan kusoo woco

3aad
Wicitaankaaga kowaad

Kolkii aad soo dhammeystirto dhammaan tallaabooyinkan kor ku xusan, waxaad heli doontaa la talinta caafimaad ee koowaad.

Ku soo dhowoow Caafiye!