CAAFIMAADKA IYO FIRFIRCOONIDA

Caafimaadka iyo firfircoonida

Caafimaadka ma’ahan oo kaliya cunto iyo cabitaan sax ah oo kaliya ee waa inaad daryeeshaa jirkaaga firfircoonadiisa.

Haddii aad tahay 9 jir ama 90 jir, waxaa jira baaritaamo cilmiyeed oo fara badan ee sheegaayaa in jimicsiga ama firfircoonida jirka ay horay u marinayso caafimaadka guud ee jirka.

Waxaa batay fadhiga badan qaasatan fiirsashada TV iyo isticmaalka computerka IWM oo sababa hoos u dhac ku yimaada caafimaadka guud ee qofka.

Waa maxay faa’iidada jirdhiska?

Haddii aad suubiso jirdhis 45 daqiiqo ah maalin kasta waxaad hoos u ridaysaa ama yareynaysaa in uu kugu dhoco cudurada qatarta ah sida:

  1. Cudurada Wadnaha
  2. Cudurka Sonkorowga
  3. Xanuunka Depression ka
  4. Kansarka – naaska iyo mindhicirada

 

Haddii aad joogto ka dhigato jirdhiska oo aad samayso in muddo ah waxaa hubaal ah in uu hore u koco:

  • Yaraado xaaladaha walwalka ee stress ka
  • Hoos u dhoco miizaankaaga jirka
  • Fiicnaato shaqaynta maskaxdaada
  • Kor u koco noloshaada galmada

 

Noocyada jirdhiska

Waxaa jira noocyo kala duwan ee jirdhis. Waxaa muhiim ah inaad la tashato dhaqtarkaaga iyo qof ku taqasusay jirdhiska inta aadan bilaabin jirdhiska.  Waxaa kaloo muhiim ah inaad samayso jirdhis u qalma da’daada iyo xaaladaada caafimaad.

Barmaamijyadda Jirdhiska ee is wada waxay kawada kooban yihiin ama ka siman yihiin 4 qaybood. Afartan dhaqdhaqaaq kuligood waxay faaiido ku sameeyaan jirka qaybihiisa kala duwan

  1. Aerobic activity,
  2. Strength training,
  3. Flexibility training,
  4. Balance exercises.

Noocee ayaa kugu haboon

Aniga shaqsi ahaan waxaan jeclahay in aan suubiyo laba jeer isbuucii, 45 daqiiqo ah. Waxaan suubiyaa jirdhiska biraha culus oo toos u abaara murqaha waawayn, sida murqaha dhabarka, xabadka, garbaha iyo cajarada. Waxaan kaloo suubiyaa hal maalin 45 daqiiqo ah jirdhis guud oo jirka oo dhan ah.

Qofkasta waqti uma haayo jirdhiska noocaas oo kale ah, oo aniga xataa marmar aan suubin, laakiin waxaan markasta ku dadaalaa socodka. Socodka ayaa ah jirdhiska iyo firfricoonida jirka kan ugu sahlan ugana muhiimsan oo qofkasta suubin kara. Waxaad ka dhigan kartaa caado in maalin kasta aad socoto ugu yaraan hal sac.

Waxaa kaloo muhiim ah inaad suubiso jirdhis kasta oo ku siinaaya farxad. Dadka qaarkood wexey jecel yihiin ciyaarta ama dancing oo ayadana ka mid ah nooc jirdhis. Kuma xirna d’da IWM

Waxaa jira jimicsi sida Yoga oo saamaysa jirka oo dhan adiga oo isticmaalaaya jirkaaga miizaankiisa.

Soo koobid

Caafimaadka iyo firfircoonida jirka ayaa ah arimaha aan aniga xooga saaro marka aan bixinaayo la talin caafimaad sababtoo ah:

  • Wuxuu yareynaayaa in uu kugu dhoco udurada wadnaha
  • Wuxuu yareynaayaa in uu kugu dhoco Dhiig kar
  • Wuxuu yaraynaayaa inuu kugu dhoco cudurka Sonkorowga
  • Wuxuu yaraynaayaa in uu kugu dhoco kansarka naasaha iyo mindhicirada
  • Wuxuu kor u qaadaayaa dareenka iyo foojignaanta maskaxdaada
  • Wuxuu awood siinaayaa dhismaha iyo adkaanshaha lafahaaga, muruqyadaada
  • Wuxuu hoos u ridayaa mizaanka culus

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *