Dhabar Xanuun (Back Pain)

 

Dhabar Xanuun (Back Pain)

Dhabar xanuun waa xanuunada ugu badan eek u dhaca binu aadamka. Haddii aad isku aragto dhabar xanuun joogta ah oo dhaafay seddex maalmood ilaa hal sisbuuc, waxaa haboon in aad isla markiiba

  • La tashato dhaqtarkaaga.
  • Naso ama yarey dhaqdhaqaaqa dheeraadka ah mar haddii aad dareemto dhabar xanuun.
  • Waxaad iska ilaalisaa inaad qaado ama riixdo wax culus.

Noocyadda dhabar xanuunka

Xanuunka ku dhaca dhabarka ayaa u kala baxa noocyoyo kala duwan. Inkastoo xanuunka aad ka dareemi karto ama saameeyaa dhabarka oo dhan, laakiinse uu xoog ku yeelan karo qaybaha kala duwan oo kala ah sida:

  1. Dhabarka sare: oo ah garbaha iyo qaybta la socota.
  2. Dhabarka dhexe oo ku began feeraha dhexe-hoose iyo qaybta hoose oo sii gaarta ilaa birida.

Waxaan kaloo rabaa inaad fahamto in dhabar xanuunka uu noqon karo mid gaaban oo yar mudada xanuunka iyo mid dheer oo noqda joogto ama Chronic ah.

Dhabar xanuun ka gaaban inta badan xanuunka waa mid si lama filaan ah kuu qabta oo siyaabo kala duwan awgeed, inta badan waa xanuun ku dhaca murqaha dhabarka. Wuxuu socon karaa dhowr maalmood ilaa iyo dhoor toddobaad

Jilic sanaanta murqaha dhabarka iyo murqaha caloodha ayaa ah waxyaabaha kalifa in nerv-yadda ama saxanamada ama carjowda u dhaxaysa labadda lafood ee laf dhabarta(disk) u dhaxeeya laf-dhabarta ay is qaloociyaan ama is galaan. Taas ayaana sabab u ah in aad dareemto xanuun lama filaan ah.

Haddii aad isku aragto xanuunka noocaan oo kale, si deg deg ah la xiriir dhaqtar. Sidoo kale xanuunka noocaan oo kale waxaad uga hortagi kartaa, in aadan dhaqdhaqaaqin min muddo ah oo adiga ayay kugu xiran Tahay marka aad dareemto nafis yar.

Xanuunka ku dhaca dhabarka ee nooqda mid joogta ah ama chronic ah, waa mid inta badan dadka ku dhoco qaasatan marka da’da ay gaarto san iyo soddon sano iyo wixi dhaafsan.

Sababaha ayaa kala duwan oo noqon kara qaar la xiriira lafaha laf dhabarta iyo saxanada u dhaxeeya, qaar la xiriira inflammation ama caabuq ku dhaca nervaha iyo qaar la xiriira murqaha la dhabarta.

Dhabar xanuun waxyaabaha xoohiya waa haddii murqaha caloosha ay jilicsan yihiin oo qofka uusan daryeelin Caafimaadka guud ee firfircoonida jirka, waxaa dhacda in culayska jirka uu saarmo laf dhabarta, taas oo si tartiib ah u sababta in lafaha ay is guraan oo kadibna ciriiriya nervaha dhex mara iyo saxanada oo sii qalala oo ayaddana saamysa nervaha.

Inta badan dhabar xanuunka wuxuu la socdaa qaab nololeedka qofka. Haddii aad Tahay qof fadhigiisa badan, cunto fiican haysan, murqaha caloosha jilicsan yihiin waxaa hubaal ah in xanuunka dhabarka hoose ku dhoco.

Waxyaabaha inta badan sababa dhabar xanuunka

Arimaha keeni kara dhabar xanuunka ayaa ka mid ah:

  • Waxqabad maalmeedka sida: si xun u fooraarsi, wax qaadis, wax dhaqdhaqaajin,
  • Qunfacid lama filaan ah oo xoogan
  • Hindhisid lama filaan ah oo xoogan
  • Murqaha dhabarka oo isgalaan
  • Safarada dheer oo fadiga badan
  • Shilalka guriga sida ku kufida musqusha
  • Shilalka baabuurta/gaariga oo sababa dhaawacyadda qoorta iyo dhabarka.

 

Muhiim ma ahan inaad taqaano kalmadaha cilmiga ay isticmaalaan dhaqaatiirta ee la xiriira dhabar xanuunka sida saxanka (disk) soo bixid (Prolapse) oo la isku yiraahdo “disc prolapse”  IWM. Ee waxaa muhiim ah in aad kala fahamto waxa sababa dhabar xanuunka, noocyada uu noqdo iyo gargaarka aad u baahan Tahay.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in aad la socoto in da’da qofka ay tahay mid ciyaarta door muhiim ah oo qofka marka uusi gaboobo ay is dhimaan Caafimaadka lafaha, nervaha, saxanada iyo murqha.

Sababaha dheeraadka ee keena dhabar xanuunka:

Waxaa kaloo dhabar xanuun ka hoose keena xaalado kale sida: Cudurada lafaha, Caabuqa ama infekshanka haweenka khaasatan tubooyinka iyo caabuqa kaadi mareenka.

Sidee loo baaraa dhabar xanuunka?

Haddii aad iska dareemto dhabar xanuun, waxaad u tagtaa dhaqtarka. Waxaa laguu diri doonaa in aad soo suubiso Raajada (x-ray), iskaanka tomogarafiyada (CT scan ama Cat) ama MRI baaris

Sidee loo daaweeyaa dhabar xanuunka gaaban iyo joogtada?

  • Isticmaal xunuun-dilayaasha oo cream jirka ah iyo kuwa afka laga qaato
  • Nasasho dheeraad. Ku seexato joodari adag, fadhigana yaraysato
  • In aad u tagto Osteopath ama chiropractor

Haddii aad kasoo bogsato waa inaad bilaawdaa jirdhis murqaha caloosha, samay dabaasha. Haddii xanuunka aad u daran yahay waxaa loo baahan karaa qaliin

Sideen uga hortagi karaa dhabar xanuunka?

Sia aan horay uso sheegay, marka hore ku dadaal:

  • Yareey culayska jirkaaga.
  • Sameey jirdhiska murqaha dhabarkaada iyo murqaha calooshaada. Badso socodka
  • Markasta aad fadhido, toosi laf dhabartaada isla markaana xaji murqaha caloosha
  • Ku seexo sariir iyo joodari adag
 
 
Caafiye waa Bixiyaha Adeegyada Caafimaadka Soomaaliyeed ee qadka internetka. Waxaan ku buraarujinanynaa bulshadda soomaaliyeed inay caafimaadkooda ahmiyad siiyaan qaasatan Caafimaaka haweenaka ama dumarka, Caafimaadka caruurta iyo Caafimaadka qoyska.

 
Haddii aad u baahan tahay la talin xagga caafimaadka adiga iyo qoyskaaga, dib ha u dhigan ee ka hortag inta uusan cudurka balaaran si aad ugu noolaato adiga iyo qoyskaaga nolol caafimaad oo kaamil ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *