Ma isku aragtaa calool fuur?

 

Ma isku aragtaa calool fuur ?

Calool fuur “Bloating, gassiness, abdominal discomfort” waa magacyo dadka inta badan ay u yaqaanaan marka qofka uu si xad dhaaf ah u dhargo. Waa dhibaato caafimaad ee casrigan ah. Qalad ha ii fahmin oo ma ahan oo kaliya dhargid ee waxaan ula jeedaa dareenka ka dhasha marka caloosha-mindhicirada aysan si sax ah u qabanayn howsha dheefshiidka. Waxaa kaloo jirta in calool fuur ay tahay astaan xanuun soo bilaaban raba oo ay muhiim tahay inaad dhaqtarkaaga u tagto.

Bukaamo badan oo aan la kulmo maalin kasta ee dhinaca dheefshiidka waxa uga horeeya ay ka cabadaan waa “gaaska”. Inkastoo kalmadaas si sax ah aysan u cabirayn calool fuurka oo soomaalida inta badan “gaaska” waxey ula jeedaan xanuunada caloosha oo dhan.

Waa maxay calool fuur?

Calool fuurka waa astaan ee ma ahan xanuun qaas ahaan u jira. Waa xaalad sababta marka aad cunto in ka badan inta calooshaada ay qaadi karto. Inta badan calool fuurka wuxuu a dhashaa marka aad joogto xafladaha oo cunto xad sdhaaf ah aad cunto.

Dumarka ayaa u badan in ay la kulmaan calool fuurka marka ay helaan caadada iyo marka ay u dhow yihiin marxalada tarangabka. Hadii calool fuurkaaga uu yahay mid mar amr ah ama aan joogto ahayn ama ku xiran mgoorta kaliya ee aad cunto badan cunto, uma baahnid inaad walwal is geliso.

Haddii  calool fuurka uu yahay mid joogta ah isla markaana ku xirnayn cuntada badan, waxaad u baahan tahay baaritaan iyo in aad uatagto dhaqtarkaaga.

Sidee uga hortagi lahayd calool fuurka?

Si looga hortago dhibaatadan waa in aad yaraysaa ama gabi ahaan joojisaa cuntada badan ee aad fahamtid waxa keena calool fuurka qaasatan cuntada keenta iyo in aad isticmaasho hab si tabiici ah oo aan ku xirnayn daawo qaadasho.

Cunto xumida ma ahan oo kaliya nooca cunto ee aad cunto oo kaliye ee waxaa lasii wadaaga goora cuntada aad cunto, habka aad u cunto iyo muddada u dhaxaysa cunto cunista. Binu aadamka inta badan way wahsadaan mar hadii dhibaatada aysan ahayn mid xanuun wayn leh, laakiin calool fuurka ayaa noqda mid sababa xanuunada caloosha, mindhicirada iyo maskaxda iyo jirka oo dhan haddii aan ka hortag la samayn.

Mar haddii aad fahamsan tahay in calool fuurka uu noqdo xanuuno waxaa fiican in aan wacyi gelin kooban oo muhiim ah aan kusiiyo sida aad uga hortagi lahayd.

Waxaad badsataa:

  1. Biyaha qumbaha “Coconut water” Badso cabista biyaha caadiga ah qaasatan kuwa qumbaha lahga soo miiro. Biyahaas wexey leeyihiin ama ku jura maadooyin badan iyo jirka siiya nafaqo sida electrolytes ee calcium, chloride iyo potassium oo wata saamayn dib u nadiifin jirka. Teeda kale waa habka ugu sahlan jirka uu isaga bixin karo maadada cusbada eek u harta kilyaha iyo jirka, taas oo ah waxa sababa calool fuurka. Cab hal galas oo biyaha qumbaha maalinkasta ilaa uu kaa dhamaado calool fuurka
  2. Mooska “Bananas” Waxaa ku jurta maadada potassium oo ah maadado isku dheeli tirta electrolyte ka jirka, taas oo caawiso hoosna u rida calool wareerka iyo calool fuurka.
  3. Tuunta “Garlic” hWexey leedahay maadooyin xoojiya/kor u kiciya dheecaamada caloosha ee dheefshiidka. Taas wexey kaa caawinaysaa in uu hoos u dhoco ama yaraado calool fuurka. Tuunta wexey kaloo leedahay awood kahortag caabuqa
    • Cab maraq qandac ah oo lagu kariyay tuunta.
    • Ha kula cunin tuunta rooti iyo waxyaabaha laga suubiyo burta oo wexey xoojin kartaa gaas badan caloosha.
  1. Fennel seeds Mirahan waa kuwo aduunka taariikh ahaan muddo badan la isticmaali jiray. Wexey fiicnaysaa dheefshiidka, qaasatan caloosha iyo mindhicirada. Maadada ugu muhiimsan eek u jurta mirahan ayaa ah Terpenoid anethole. Ayada ayaa hoos urida adeega ku yimaado murqaha yarayar ee caloosha gudaheeda iyo mindhicirada. Waxaad isticmaali kartaa sida cuntada oo aad kula karsato ama miraha oo sidooda ah inaad calaanjiso cuntada kadib.

Waaxaad kaloo ku dadaashaa in aadan cunto culays a, sida hilibka, digirta, rootiga ama baasta iyo bariidka aadan cunin waqtiga urdada ka hor. Waxaad ku badalan kartaa qudaarta iyo frutka.

Caafiye waa Bixiyaha Adeegyada Caafimaadka Soomaaliyeed ee qadka internetka. Waxaan ku buraarujinanynaa bulshadda soomaaliyeed inay caafimaadkooda ahmiyad siiyaan qaasatan Caafimaaka haweenaka ama dumarka, Caafimaadka caruurta iyo Caafimaadka qoyska.

Haddii aad u baahan tahay la talin xagga caafimaadka adiga iyo qoyskaaga, dib ha u dhigan ee ka hortag inta uusan cudurka balaaran si aad ugu noolaato adiga iyo qoyskaaga nolol caafimaad oo kaamil ah.

2 Responses

  1. asc wr wb dhamaan dhaqaatiirta halkaan joogta. Runtiin waa ka helay sida wanaagsan ee aad bulshada ugu faa’ideysaan dhamaan arimaha caafimaadka la xariira waa ku mahadsan tihiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *