4 NAFAQO OO MUHIIM U AH dumarka

Caafimaadka dumarka iyo 4 nafaqo oo muhiim u ah caafimaadkooda guud.

Dumarka, marxalad kasta wexey u baahan yihiin nafaqo ku filan iyo firfircooni xagga jirka inay helaan. Dumarka markasta ay ku sii darsanto da’, waxay la kulmaan oo uu jirkooda bilaabaa in ay la kulmaan xanuunada ku dhaca wadnaha, sokorta, dhiig karka, dhiig yarida iyo lafaha oo daciifa hormoonada aan isku deli tirnayn darteeda.

Inkastoo xanuunadan aysan ahayn kuwo qaas u ah dumarka  oo raggana kala siman yihiin laakiinse waxaa sheegid mudan in dumarka ay la kulmaan xanuunadan maadaama jirka dumarka uu maro marxalado isbadal ah oo kala duwan tan iyo qaan gaarka ka hor.

Sidaa darted waxaa muhiim ah in dumarku ay muhiimad siiyaan caafimaadkooda oo ay helaan wacyi gelin sax ah oo buuxda.

Waxaan marka hore ku bilaabaynaa fahamka maadooyinka nafaqada u leh jirka dumarka oo laga helo cuntada oo ah kuwo aad iyo aad u muhiimsan qaadashadooda isla markaana marmarka qaarkoodna dumarka ay u baahan yihiin supplements ama ku kabid dheeraad ah.

 

Waxaa muhiim ah inaad suubiso baaritaanka dhiiga ee guud si aad u ogaato xaalda ay ku sugan yihiin maadooyinkan.

 

  1. Kalsiyam “Calcium”

Dhismaha lafaha dumarka ayaa ah kuwo Qatar gala marka ay dumarka da’ sii noqdaan oo si lama filaan ah u lumiyaan maadada ay ka samaysan yihiin lafaha oo ah Kalsiyam.

Si loo yareeyo ama looga hortago hoos udhaca lafaha oo loo yaqaano lafo-isgur ayaa waxaa muhiim ah in ay dumarka badsadaan cuntada leh Kalsiyamta sida: Qudaarta noocyadeeda oo dhan, looska iyo kuwa lamid ah sida Almond, sisinta, yogurt  oo qiyas ahaan la rabo in ay ku jurto maadada Kalsiyamta ilaa 400  –  1000 mg/maalintiiba.

  1. Birta “Iron”

Waa maado aad iyo aad muhiim u ah jirka dumarka oo mara marxalado kala duwan oo sababa inay lumiyaan maadadda birta.

Marxaladda caadada, uurka, Dhalmada iyo dhalamada ka dib, marxaldaha walwalka iyo walbahaarka, marxalada howlgabka Dhalmada – kahor iyo kadib.

Hadii dumarka aysan helin maalinkasta in ku filan birta oo ah inta u dhaxaysa 18 – 21 mg/maalintiiba, wexey Qatar ugu sugan yihiin xanuuno iuo cuduro Qatar gelin kara Caafimaadka guud ee dumarka.

Haddii ay kugu yartahay maadada Birta, waxa ugu horeeya aad iska dareemi kartid waa:

  • Madax wareer
  • Walwal iyo walbahaar
  • Xasuusta oo yaraata
  • Hoos u dhac unugyadda difaaca – infekshon kugu bata

 

Cuntada laga helo birta ayaa kala ah: Hilibka, qudaarta noocyadeeda oo dhan, looska iyo kuwa soo raaca,

  1. Vitamin B – 6 ama Folate

Inta badan, dadka waxay u yaqaanaan in folate la siiyo dumarka uurka bilaha hore leh oo hagaajiya islamarkaana xoojiya samaynta unugayadda cascas iyo caawiya koritaanka cunuga ku jura caloosha ama ilmo galeenka. Hase ahaatee folate dhinac kasta.

waa maado aad muhiim u ah Caafimaadka guud ee dumarka oo dowr wayn ka ciyaara xoojinta unugyadda difaaca dumarka isla markaana ka h ka ilaaliya dumarka inuu ku dhoco xanuunada wadnaha.

Qiyaas ahaan waxaa haboon in dumark ay qaataan maadada folate inta u dhaxaysa 500- 100μg/day. Cuntada laga helo folate wexey kala yihiin: Hilibka, qudaarta cagaaran iyo beerka.

  1. Magneesiyum “Magnesium”

Walwalka “stress” iyo walbahaarka ayaa ah arimaha badanaa dumarka u keena caafimaad xumida. Maadada Magneesiyum ayaa ah mid caawisa jirka dumarka in uusan ku dhicin ama yareeyo walwalka “stress”

Maadadan magneesiyumta ayaa ah mid samaysa awooda jirka u baahan yahay si uu ugu noolaado Caafimaadka lafaha iyo murqaha iyo nidaamka casabiga ama maskaxda.

Qofka dumarka ah waxaa ku fila maalintiiba inay qaadato cunto ahaan maadada magneesiyum in ku dhow 350 mg/maalintiiba. Cuntada laga helo magneesiyum ta ayaa ah: qudaarta iyo frutada.

Soo koobid

Marka hore waxaad samaysaa barista dhiiga guud qaasatan afarta maadaayin ee aan kor kusoo xusay kadib la tasho dhaqtarkaaga si uu kugu sharxo. Haddii aad maadooyinkaas ay liitaan ama ka hooseeyaan inta normalka ah ee jirkaaga dumar ahaan u baahan yahay, waxaa talo ah marka hore in aad badasho cuntadaada, kadib muddo 3 – 6 bilood ah aad mar labaad suubiso barista dhiiga guud si loo ogaado haddii wax is badal ah uu iro iyo in kale.

Haddii maadooyinkaas muhiimka ah ay weli hooseeyaan waxaa waano ah inaad bilaawda “supplements” ama xoojiye/kordhiye in muddo ah.

 

Haddii aadan heysan dhaqtar kuu qaas ah, adiga iyo qoyskaaga, fadlan riix “book consultation”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *