Caafimaadka Haweenka & Baarista Naasaha

Caafimaadka Dumarka iyo baarista Naasaha

Caafimaadka dumarka –  baarista naasaha ayaa ah arrimaha ugu muhiimsan ee caafimaadka dumarka si looga hortago Kansarka ku dhaca naasaha dumarka. Sanadkii 2019 ayaa waxaan kula soo kulmay magaalada Nairobi bukaano badan oo dumar ah oo aan aqoon ama aysan weligood aqlin in uu jiro kansar ku dhaca naasaha.

Waxaa ii muuqatay in arintaan aan ka bixiyo wacyi gelin xoog leh oo qaadan doonta muddo. Wacyi gelin noocaan oo kala ahna wexey u baahan tahay wada shaqayn bulshada iyo maamulada.

Waa maxay Kansarka Naasaha?

Kansarka Naasaha waa cudur marka unugyadda naasaha ay aad u koraan isla markaana bataan si xoog ahna u labalaabmaan si qalad ah.
Arintan waxay dhacdaa marka aasaaska unugyada “genes” kontoroola koritaanka unugyadda aysan shaqaynayn ama howl gabaan.

Sidaa darteed, unugyada ayaa sixaddhaaf ah isu qaybiya isna badala oo sababa kasoo bax ama Buro “tumor”. Mar hadii aysoo baxdo burada, waxaad ka dareemi kartaa maqaarka naaska iyo waxaa dhacda inaadan dareemin ilaa mar dambe oo lagu ogaado qalabka lagu baaro ee mammogram (breast x-ray).

Waxaa muhiim ah inaad ogaato in inta badan burada kasoo baxda maqaarka naaska ay noqdaan kuwo aan isu badalin cudurka Kansarka oo micnaheedu waa, buradan in aysan ahayn mid nolosha dumarka qatar gelisa. Waxaa kaloo jira unugyo qaarood oo isu badala cudurka Kansarka oo u baahan in la daaweeyo. Haddii aan la ogaan marxaladaha hore ee isbadalka unugyada , waxay kusii faafaan jirka qaybahiisa.

Waa maxay calaamadaha lagu garto Kansarka?

Inta badan Kansarka Naasaha waxaa lagu helaa si lama filaan ah. Dumarka haddii ay suubiyaan baaris joogta ah sanadkiiba mar, waxaa dhacda in la helo Burada. Laakiinse waxaa haboon in Dumarka ay yaqaanaan sida ay aygu shaqsiahaan isaga ogaan lahaayeen haddii uu uu jiro buro. Haddii aad iska dareemto buro yar ee maqaarka naaska, waxaa muhiim ah inaadan sahalsan oo aad dhaqtarka u tagto.

  • Burro kasoo baxda meel u dhow naaska ama u dhow kilkisha
  • Barar dhinac kaga dhaca naaska oo noqdo hal dhinac oo keliya
  • Ibta naaska kasoo baxaan dheecaan naaska oo aan la riixin
  • Isbadal ku dhaca midibka maqaark naaska oo noqda mid casaan/guduudan,
  • Ibta naaskaoo noqota mid isgasha isla markaana leh midib casaan/guduudan iyo qalalan

 

Qatar intee ah ayaan ku suganahay?

Qatarta Kansarka Naaska ayaa la xiriiri d’da. 80% Kansarka naasaha waxaa laga helaa dumarka ay da’doodu dhaaftay 50 sano. Inta badan dumarka laga helo malahan xanuuno kale.

Haddii mid ama qaar kamid ah dumarka qoyskaaga ay qabaan ama laga helay cudurka Kansarka, waxaad adigana u badan tahay in uu kugu dhoco Kansarka. Ayada Aasaasyada unugyada sababa Kansarka Naasaha ayaa ah  BRCA1 and BRCA2 oo noqdo balaaluq/xumaada.

Meeqa jeer ayaan iska baari karaa Kansarka Naasaha?

Waxaa fiican in dumarka inta ay da’doodu yartahay ay helaan wacyi gelinta Kansarka naasaha. Waxaad ku bilaabi kartaa marka ay d’aadu gaarto 25 sano oo ah baarista guud. Marka aad gaarto 40 sano, waxaa mudan inaad suubiso sanadkiiba hal jeer mammogram.

Baaris guud ah iyo midda mammogram suubi haddii:

  • Aad ogtahay in mid ka mid ah qoyska, sida hooyadda, walaasha iyo reerka kuusoo dhow uu ku dhacay kansarka naasaha.
  • Haddii aad isku aragto buro ama barar iyo isbadal midabka maqaarka naasaha

 

Baarista Kansarka Naasaha

Dumarka ayaga ayaa ugu horeeya marka hore inay isku arkaan astaamaha aan horay usoo sheegay inay isku arkaan. Kadib waxaa shaqo ku leh dhaqtarka oo suubiya baaris dheeraad ah sida: Taataabasho burada, oo haddii la elo buro, waxaa laga soo gooyaa qayb yar si loogu baaro shaybaarka”Biopsy”. Inta lasii sugaya waxa uu dhaaqtarka kuu sii diri karaa baarista mammogram oo suubiso sawir lagu arki karo buradda nooceeda

Waa maxay marxaladaha Kansarka Naaska?

Kansarka Naasaha wuxuu maraa afar marxaladood oo midba mida kasii saraysa kasii qatarsan xagga u dhimashada.

  • Marxaladda hore – ma mid balaaranaayaa mise maya?
  • Marxalldda labaad – Cabirka burada
  • Marxaladda seddexaad – Haddii unugyadda qaldan ee halaabay ay ku faafeen qanjirada u dhodhow.
  • Marxaladda afaraad – Unugyada noqday Kansarka oo kusii faafay jirka oo dhan, sida Sambabaha iyo Beerka.

 

Sidee loo daawayn karaa Kansarka Naasaha?

Daawada Kansarka waxay ku xiran tahay marxaladda uu maraayo kansarka. Dhaqtarka waa inuu kuu sheegaa dhibaatooyinka kale ee la socda daawaynta kansarka. Daawaynta waxaa ka mid ah:

  1. Qaliin – lagu suubinaayo burada iyo unugyada u dhow naaska. Ama qaliin wayn oo ah la gooyo naaska oo idil.
  2. Daawaynta shucaaca – waxaa la adeegsadaa shucaaca x-rays si loo dilo unugyadda kansarka si aysan usii faafin.
  3. Daawooyinka loo yaqaan chemotherapy oo lasocda daawooyin kale oo laga qaato afka si loo dilo unugyada kansarka.
  4. Daawaynta Hormoonada – si loo xanibo hormoonka estrogen iyo kuwa dadajiya faafmada unugyada kansarka.
  5. Daawooyinka casriga – waa kuwo si toos ah u dila unugyada kansarka.

 

Sida saxa ah, waxaa la isticmaalaa isku dar daawaynta noocyadda kor ku xusan. Haddii aad u baahato wacyi gelin ama la talin ku saabsan Kansarka naasaha, balan suubso hoos.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *