Cabashadda caafimaad ee ugu badan ee qofka Soomaaliga

 

Waxaan rabaa inaan ka hadlo caafimaad darada xubnaha dhiifshiidka, qaasatan caloosha ee soomaalida – bulshad ahaan, qoys ahaan iyo shaqsi ahaan. Waa cabashadda ugu badan ee xanuunda ku dhaca soomaalida meel kasta ha joogaan, lab iyo dhidigba.  Dhowr jeer ayaa la’iga soo codsaday inaan ka hadlo xanuunadan.

Waa mowduuc aad iyo aad u muhiim ah isla markaana aan sahalanayn. Si aqrisaha maqaalkan ugu sahlanaato, waxaan u kala dhigaayaa sidatan:

  1. Maxaa sabab u ah xanuunkan, bulshad ahaan?
  2. Dheefshiidka iyo xubnihiisa, fahmid ku wejehan qofkasta
  3. Xanuunadda xubnaha dheefshiidka – mid mid
  4. Maxaa sababa cabashadda ugu badan ee soomaalida – bakteeriyadda H Pylori
  5. H Pylori – Tafaasiil iyo faham ku wajahan qof kasta
  6. H Pylori – dhibaatooyinka uu keeno
  7. H Pylori – sidee looga hortagi karaa – bulshad ahaan iyo dowlad ahaan
  8. H Pylori – sidee looga hortagi karaa qoys ahaan
  9. H Pylori – sidee ayaad uga hortagi lahayd adiga shaqsi ahaan
  10. Daaweyn guud

 

Muhimadda arintaan waxaan ogaaday oo aan hubsaday qaasatan sanadkii 2019kii mar aan booqasho iyo shaqo aan u joogay magaalada Nairobi. Waxaan ka shaqeynaayay laba rug caafimaad ee xaafadda Islii, sidoo kale waxaan bixin jiray la talin caafimaad ee guriga ah (home based care oo aan aminsanahay inay tahay mid ka fiican in qofka bukaanka eh lagu haayo isbitaalka).

Maxaa sabab u ah xanuunkan, bulshad ahaan?

Waxaan lasoconaa in Bulshadda Soomaalida inta badan aysan haysan macluumaad saxsan oo cilmiyeysan ee ku saabsan xagga cunadda iyo cabitaankaba. Taariikh ahaan, dhaqan ahaan iyo Joqraafi ahaan, soomaalida inta badan waxay ku noolyihiin dhul qalayl ah oo aan lahayn qudaar iyo miro badan (aan ka ahayn soomaalida ku nool dhululka beeraha leh). Cuntada asaasiga ayaa u ah hilibka iyo caanaha xoolaha. Taas wexay keentaa in dheefshiidka jirkooda uu noqdo mid la qabsaday cuntada ay ka helaan xoolaha iyodhirta  bii’adda ay ku noolaayeen.

Waayahan dambe, qaasatan markii dadka soomaalida intooda badan ay soo galeen magaalooyinka waaweeyn ayaa waxaa dhacday in dad badan ay fursad u heleen cunooyinka casriga ah ee lasoo warshadeeyay iyo ayadoo badatay isticmaalka ama aadista maqaayadaha. Waxaa kaloo usii dheer nadaafadda guriga qoyska oo aan jirin nidaam looga digtoonaado xanuunadda ka dhasha xubnaha dheefshiidka.

Inkastoo aan haysan baaris iyo tirokoob cilmiyeed oo la hubo, laakiin qorista maqaalkaan waxaan adeegsanaayaa qibradaydayda shaqo iyo inta bukaan aan daaweeyay oo ka badan boqolaalo.

Aan ka bilaabo Maqaayadaha:

Waxaan kuligeena la soconaa in maqaayadaha Soomaalida qaasatan kuwa shacabka oo qiimaha cuntada ay jaban tahay, in aysan laheyn ama aysanba soo marin wax kormeer nadaafad ah oo ku oogan bakteeriyada sababa xanuunadda ka dhasha xubnaha dheefshiidka. Hilibka, caanaha, qudaarta, saxuunta lagu cuntada, fadhiga maqaayada, musqulaha, meesha gacmaha lagu dhaqdo, oo dhamaantood noqon kara meesha ay ku badan yihiin bakteeriyadda sababta xanuunada xubnaha dheefshiidka.

Maxaa sabab u ah arimahaas? 

  1. Sabool-nimadda: Dadka iska leh maqaayaddaha oo aanan awoodin in ay ahmiyad siiyaan nadaafadda maqaayada oo ah mid qarash dheeraad isla markaana culays ku ah daqligooda.
  2. Wacyi gelin: Waxaa suurtowda in inta badan dadka leh maqaayadaha aysan haysan wacyi gelin sax ah oo ku saabsan dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha nadaafad xumidda ama nadaafad la’aanta maqaayadda. In kastoo tani ay tahay mas’uuliyad saaran milkiilaha maqaayadda iyo dowladda, qaasatan wasaaradda caafimaadka oo loo baahan yahay inay bixiso wacyi gelin, qorshaysan iyo kormeer joogta ah.

 

Arinta labaad ayaa ah tan guriga qoyska. Aqriso qaybto xigta.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *