Cudurka  Sonkorowga (Diabetes)

Cudurka  Sonkorowga (Diabetes)

Cudurka sonkorta ama Sankoroowga ayaa ah cudurada ugu badan qarnigan ee ku dhaca aduunka. Bilshadda soomaaliyeed ayaa kamid ah kuwa u cudurkan si xoogan u saameeyay oo Caruurta da’dooda ka yar 10 sano u uku dhoco.

Ogaaw haddii aad qabto sonkorow ama aad taqaano qof qaba sonkarta waa arin u baahan daawayn sax ah oo u baahan dabajoog dhaqtareed oo qaadata muddo dheer.

Waxa lagu qiyaasay in cudurka sonkorta u uku dhoco inta u dhaxaysa 170 – 180 malyan oo qof dunida.

Si aad u fahamto cudurkan waxaan u kala qaadqaaday sidatan:

  1. Waa Maxay Sonkorow?
  2. Sidee Baan u Dareemi Doonaa Sonkorowga?
  3. Sidee Buu Dhakhtarku Ku Ogaanahayaa Inaan Sonkorow Qabo?
  4. Sidee Baa Loo Daweeya Sonkorowga?
  5. Maxaa Keena Sonkorowga?
  6. Ma Waxaa Jira Hal Nooc Kabadan oo Sonkorowga ah?
  7. Caruurtaydu Ma Ku Dhici Doonaa Sonkorowgu?
  8. Ma Jirta Daawo Sonkorowga?
  9. Maxaan Kalo u Baahanahay iInaan Barto Xukunka Sonkorta?

 

Waa Maxay Sonkorow?

Sonkorowgu waa cudur jirkaaga uusan si haboon uu isticmaali karin cuntada iyo cabista aad u qaadato quwad ahaan. Jirka xayawaanka uuna binu-aadamkana ka mid yahay ayaa ka kooban unugyo kala duwan oo ku shaqeeya quwada ama awooda aan ka helno cuntada iyo cabitaanka.

 

Cuntada marka ay jajabto ama dheefshiidanto wexey isku badashaa awood ama quwad oo loo yaqaan sonkor (glucose). Glukoos waa erey kale oo la yaqaan sonkorta.

Jirka wuxuu soo daayaa hormoono (dheecaamo) caawiya jirka. Insuliin ayaa ah hormoonadda caawi jirka kana qayb qata samaynta quwada jirka uu ku shaqeeyo. Insulinta ayaa caawisa in jirka si sonkorta looga dhaqaajiyo dhiigga oo loo sii gudbiyo unugyada jirka. Insuliinka wexey ka dhalataa unugyo ku yaalo beeryarta (Pancreas).

Noocyada Sonkorowga

  1. Sonkorow – 1. Waa nooc Beeryarta aysan samayn karin insuliin
  2. Sonkorow – 2. Waa nooc Beeryarta aysan samayn insuliin ku filan, ama jirka oon isticmaali karin insuliinkii uu sameeyey

 

Sidee ku ogaan kartaa Sonkorowga?

Qof walba si gooni ah ayuu uga jawaabaa sonkorowga. Qaar ka mid ah calaamadaha digniinta ee sonkorowgu waa:

  • Daal ama awood yari
  • Kaadi badan, qaasatan habeenkii
  • Cuncun jirka
  • Oon ama haraad badan
  • Soo kabsashada dhaawaca oo soo daaha
  • Aragtida indhaha oo daciifa

 

Waxaa dhacda in inta badan dadka qaarkood aysan ogayn in ay qabaan sonkorow, sababtoo ah ma iskuma arkaan calaamadaha digniinta. Calaamdaha cudurka Sonkorowga sayaa ah mid si dhaqso ah usoo baxa asagoon digniin lahayn.

Sidee lagu ogaadaa inaad qabto Sonkorow?
  • Waxaad ku ogaan kartaa marka hore inaad isku aragto calaamdaha aan kor kusoo xusnay
  • Baaris dhiiga guud 

 

Baarista Dhiigga

Baaristaa dhiigga ayaa ah midda ugu muhiimsan ee 100% lagu xaqiijin karo haddii aad qabto cudurka Sonkorowga iyo in kale.

Baaritaan Guud ee jirka

Baarista guud ee jirka ayaa ah mid lagu ogaan karo calaamdaha hore ee Sonkorowga sida calaamadaha aan kor kusoo xusay.

Dhakhtarku mararka qaarkood wuxuu kaa heli karaa calaamadaha sonkorowga korkaaga asago samaynaya baaritaan.

Sidee loo Daweeyaa cudurka Sonkorowga?
  1. Sonkorow – 1, waxaa daawo u ah in qofka lagu duro Insulin
  2. Sonkorow – 2, waxaa muhiim ah in si fiican uu qofka kontroolo cuntada iyo cabitaanada. Waxaa kaloo muhiim ah qaadashada daawooyinka lagu xakimo Sonkorowga oo si fudud loo helo mar haddii uu dhaqtarkaaga kuusoo qoro
  3. In qofka uu sameeyo firfircooni jirka si uu uga hortago cayilka iyo miizaanka sare iyo in uu ka fogaado waxyaabaha sababa dhiig karka iyo Cholostrol

 

Caruurtaydu iyo Sonkorowga?

Caruurta ayaa qatar wayn ugu jura cudurka Sonkorowga. Sababaha ugu horeeya ayaa ah:

  • Cunto xumidda
  • Dhaqdhaqaaq ama firfircooni la’aanta

 

Caruurta Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ayaa noqday kuwo ku dhaca cudurkan. Caruurta oo aan badanaa helo cunto lasoo warshadeeyay oo lagu iibiyo maqaayadaha iyo dukaamada u dhow iskuulaadka. Waalidiinta oo aan leayn wacyi caafimaad oo guriga keena

Inkasto sonkorowgu la iska dhaxlo, hadanase way yartahay in caruurtaada ay qaadaan. Fursadda caruurtu ku qaadi karaan nooca 1 ee sonkorowga waa:

2% haddii hooyadu qabto

6% haddii aabuhu qabo

5% haddii labada waalidba qabaan

Sonkorowga – 2 nooca ah fursaddaha laisaga dhaxlo oo ay caruurtu ku qaadaan waa 50% haddii hal ama 2 waalid qabaan. Haddii labada waalid ay qabaan waxaa muhiim ah in ay si fiican u fahmaan qatarta Caruurta ku dhalan doona iyo ka hortaga iyo horumarinta Caafimaadka sida cuntada iyo yaraynta culayska.

Ma Jirta Daawo Sonkorowga?

Ma laha daawo sonkorowga, laakiin waxaa lagu xakameyn karaa:

  • Cunto qaadasho
  • Jimicsi ama jirdhis

 

Waxaa muhiim ah inaad hesho dhaqtar kula socdo xaaldadaada iyo tan qoyskaaga.

Dhakhtarkaaga iyo kooxda daryeelka caafimaadka ayaa kaagala shaqayn doona adiga iyo qoyskaaga si aad u barato sida fiican loogu noolaado sonkorowga.

Sideen ku kontrooli lahaa Sonkorowga?

Haddii aad ogtahay inaad qabto sonkorow, Barro:

  1. Cuntada saxa kuu ah
  2. Baaritaanka sonkorta – guriga iyo xafiiska dhaqtarka
  3. Daawada (insuliin iyo/ama tan afka)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *