Dr. Hassan Munye – Kiva, Uzbekistan 2012

 

Dr. Hassan Munye, Kiva, Uzbekistan 2012

markaan dib usoo xasuusto waxaan la yaabaa sida nolosha ay u duulayso. Waxaan ogaaday in nolosha ay tahay qibrad uruuris ,ha ahaato mid adag ama mid sahlan, mid xun ama mid fiican. Magaaldan Kiva waxaan kusoo arkay oo xaqiiq ah muqaalo ay ayeeyaday nooga sheekayn jirtay waagaan ahaan caruur 5 -8 jir ee loo yaqaan “sheeko xariir” oo caruurta looga keeno hurdo.

Sheekooyinkaas ayaa ahaa kuwo aad iyo aad u watay sharax muuqaal qaasatan masaajidyada iyo dhismaha guryaha, buuraha ku ag yaala magaalada, dadka ku nool iyo dhaqan maalmeedkooda.

“Waxaa jiri jiray boqor ku nool qasri wayn oo aad u qurux badan. Qasriga waxaa ku hareersanaa minaarado dhaadheer oo midabyo kala duwan leh. Boqorka wuxuu lahaa qol u gooni ah keligiisa. Qolkiisa wuxuu ku aadanaa minaarada ugu quruxda badan magaalada oo laga maqlo aadanka subixii oo kaliya.

Boqorka wuxuu lahaa mu’adankiisa asiga qaaska u ah oo aadaama salada subax oo kaliye. iimaamka boqorka subax kasta inta uusan diiqa yeerin wuxuu koraa minaarada ugu quruxda badan ee midibkeeda buluuga ah oo ay ku qoran yihiin magacyada ilaah. Minaarada wexey leheed laba albaab oo keliya. Mid waxaa isticmaalo imaamka iyo midna boqorka si uu u daawado quruxda boqortooyadiisa marka ay qoroxda soo baxayso iyo marka ay sii dhacayso”

Sheekada ayeeyo nooga sheekayn jirtay waagaas wexey ila eheed mid qiyaali ah oo dhul cajiib eh oo aad u fog ku taalo. Sheekada wey dheereed oo ayeeyo waagaas sida netflix series “game of thrones” sida loo sugaayay oo kale ayay nooga dhigi jirtay – to be continued hurdo wacan camal.

Laakiin waxaan soo arkay magaaladii sheekada iyo kuwa kale oo ku yaala dhulkaas ee Central Asia. Waxaan ogaaday in ayeeyo ayada xataa looga sheekeyn jiray oo cusbadeeda iyo xawaajigeeda ku darsan jirtay sheekooyinkaas. Waxaan kaloo ogaaday in sheekooyinkaas loo yaqaan “Alf -layla wa layl” oo aan aqriyay aydoo dhan.

Nolosha waa qibrad uruursi meel kasta aad joogto iyo marxalad kasta aad ku jurto. Minaarada sheeko xariirta waataas gadaashay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *