Cuntada Soomaalida – Somali food

 

Waxaa is waydiin leh, ma jiraan cunto Soomaalida ay dhaqan ahaan u leeyihiin iyo in kale? Waxaan og nahay in wadamo badan ee adduunka sida Ethiopia, Hindiya iyo wadamadda Asia ay leeyihiin cunto lagu yaqaan oo ayaga qaas u ah.

Cunto Soomaali ama cuntada ay Soomaalida inta badan ay cunaan waa cunto ay kasoo koobi gareeyeen wadamada deriska la ah. Ka soo qaad tusaale ahaan Canjeerada/Laxooxda. Inkastoo ay ka duwan tahay tan ethiopian-ka dhadhan ahaan laakiinse aas aas ahaan waa isku mid, xitaa magaca canjeero/canjeera wexeey la mid tahay injera, ethipianka ay dhahaan.

Sambuus/Samosa: Inkastaa Soomaalida reer miyaga  aysan aqoon ama aysan awoodinba inay sameeyaan sambuusiga maadaama loo baahan yahay qalab badan iyo waqti badan iyo xirfad dheeraad oo u baahan dagaansho oo inta badan sambuusiga waxaa laga isticmaala maagaalooyinka xeebaha saaran. Sidaas darteed waxaan u maleyaa in uu naga soo gaaray wadanka Hindiya iyo Sirilanka maadaamaa aan la wadaagno badwaynta hindiya oo na dhex mari jiray ganaacsi.

Beriiska iyo hilibka: Waxaan og nahay in beriis ka bixin dhulka ay soomaalida dagaan. Wadanka Persia/Iran iyo wadamada central Asia ay yihiin wadamada ku nool cunista bariiska. Inkastoo magacyo kala duwan ay jiraan sida  – Pilav, Plov, Biryani laakiinse kuli ay kaga wada siman yihiin bariiska iyo hilibka. Su’aal fiican in la ogaado goorta Soomaaliya uu soo gaaray beriiska.

Baasto: Tan uma baahno baaris dheeraad ah. Taariikh ahaan baastada wexey soo gaartay Soomaaliya waqtigii gumaysiga Talyaaniga.

Rooti: Soomaali badan kama warqabaan in kalmada Rooti ay naga soo gaartay Hindiya oo asal ahaan isticmaala. Dadka qaarkood wexey dhahaan Qubus, oo ah luqadda carabiga oo laakiin ka duwan rootiga Hindiya

Weli waxaan la’ahay oo aan is weydiinaayaa inaan fahmo cuntada Soomaalida ay u leedahay dhaqan ahaan. Sababtoo ah, caafimaad ahaan cuntooyinkan aan cunno maalin kasta ma’ahan cunto u haboon caafimaadkeena. Xanuunada badanaa ee noqdo chronic ama joogtada waxaa badanaa no sababa cunto xumida.

Caafiye waa Bixiyaha Adeegyada Caafimaadka Soomaaliyeed ee qadka internetka ee soomaaliya ugu horeeyo oo uu Dr.Hassan Yusuf  Munye aasaasay ayaa waxaan ku buraarujinanynaa bulshadda soomaaliyeed inay caafimaadkooda ahmiyad siiyaan qaasatan Caafimaaka haweenaka ama dumarka, Caafimaadka caruurta iyo Caafimaadka qoyska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *