Nagu saabsan

Aragtideyda

Waxaan aaminsanahay in daryeelka Caafimaadka uu yahay xuquuq bani’aadminimo oo aasaasi ah. Qof kastana waa inuu helaa daryeel caafimaad tayo sare leh oo buuxda. 

Himilkeyga

Waa inaan siiyaa la talin daryeel caafimaad oo tayo sare leh bulshada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan ayaga oo isticmaalaaya qadka internetka

Qiyamkeyga

Waxaan aamani sanahay in wacyi gelin daryeelka caafimaadka ay tahay muhiimadda koowaad si loo hormariyo caafimaadka bulshadda soomaaliyeed iyo tayada noloshooda

Taariikhda caafiye

Bishii Luulyo 2019 kii, Aniga oo (Dr. Xasan Yusuf Munye) oo booqasho u joogay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaan la kulmay qoysas Soomaaliyeed oo qaba dhibaatooyin caafimaad, gaar ahaan hooyooyinka, dumarka iyo carruurta.

Caqabadda ugu weyn ee bulshada haysata waxay ahayd wacyigelin la’aan iyo daryeel caafimaad oo sax ah oo kuna haboon ayaga aysan helin. Intaa waxaa sii dheer in xaalado la mid ah ama ka daran ay ku noolyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Soomaaliya gudaheeda.

Dhanka kale, Aniga shaqsi ahaan waaan ahaa qaxooti soomaaliyeed ka dibna noqday muwaaddin, ku noolaa dalalka Austria haddana ku nool Canada.

Dhibaatooyinkan xagga helista caafimaad sax ah  waxay tahay arrin ay wada wadaagaan dhammaan bulshada soomaaliyeed ee ku nool meel kasta, qurbaha iyo wadanka gudahiisaba. Tani wexeey igu abuurtay fikrada ah inaan u raadiyo xal dhibaatooyinkan caafimaad ee qofka soomaaliga ah heesata meelkasta uu joogo.

Sidaa darted ayaan u abuubalay inaan furo CAAFIYE ONLINE CARE qadka internetka ah ee qof kasta oo soomaali ah uu ka heli karo wacyi gelin iyo la talin caafimaad oo ku baxa luqadda soomaaliyeed.

2020 kii Marka cudurka Covid19 uu ku bilaawday dunidda, ayaa waxaa qaxiiqo noqotay baahida loo qabo la talinta caafimaad ee qadka internetka ah. Sidaas darted ayey ku dhalatay Caafiye

wada shaqeyn