SU’AAL & JAWAAB

Caafiye waa rug caafimaad- latalin ee qadka internetka ah.

Waxaan bixinaa la talin daryeel caafimaad ah ee cuduradda haweenka, caruurta iyo ragga. 

Qabso balan, si aad u hesho la talin caafimaad adiga oo gurigaaga jooga

La talinta caafimaad waxaa bixiya Dr Hassan Yusuf Munye oo leh qibrad dhaqtarnimo, in kabadan 15 sano. 

Waxaa kaloo bixisa la talinta Joyce Bergsma oo ah qabiir dhinaca quudinta iyo daryeelka caafimaad oo leh qibrad muddo ka badan 10 sanadood.

Qabso balan, si aad u hesho la talin caafimaad adiga oo gurigaaga jooga

Marka hore waxaad riixdaa

QABSO BALAN” oo islamarkiiba kugu xiraysa qadka WhatsApp ee telefonekaaga.

Tan labaad waxaad soo qortaa magacaaga iyo la talin noocee ah ayaad u baahan tahay.

Tan sedexaad waxaad qortaa waqtiga lagu heli karo iyo wadanka aad joogto.

Aad iyo aad. Waxaan xooga saarnay wacyi gelinta ku saabsan horumarinta caafimaadka Haweenka, Caruurta, dhalaanka iyo Ragga.

Sidoo kale waxaan diiradda saarnay ka hortagga cuduradda guud.  

Tusaale ahaan waxaan bixinaa macluumaad wacyigelin iyo talooyin loogu tala galay hooyooyinka iyo aabbayaasha labadaba.

Waxaan siinaa wacyi gelin u diyaar garowga uurka iyo caafimaadka dhalaanka kaas oo ka hadlaya arrimo badan oo kala duwan, oo ay ku jiraan sida uu ilmuhu u korayo, habraaca diyaarinta dhalmada,  naas nuujinta, tallaalada caruurta,Ka hortaga xanuunada dhalaanka iyo barashada calaamadaha lagu ogaado xanuunada inta aadan u tagin dhaqtar

Waxaan kaloo xiriir la leenahay dhaqaatiir taqasus leh kuwaas oo aanu kuu gudbin karno haddii taasi loo baahdo

Qabso balan, si aad u hesho la talin caafimaad adiga oo gurigaaga jooga

Caafiye waxa uu ka diiwaan gashan yahay wadanka Canada, EU, Somalia iyo Kenya. Sanadkan 2023 waxaa qorsho noo ah in laga diiwaan gelin doonaa wadamada USA iyo Khaliijka sida UAE.

Caafiye waxa uu iriir la leeyahay hay’do badan ee daryeela caafimaadka bulshadda ee wadamada EU iyo Canada.

Haa, oo waxaan u baahan nahay in bulshadda soomaaliyeed meel kasta ay joogaan ay ku xirnaadaan caafiye,  si ay u helaan daryeel caafimaad oo tayo leh.

Haddii aad tahay qof daneynnaaya horumarinta caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed, fadlan ku soo dhawaaw. Noosoo qor email: info@caafiye.com

Mahadsanid.

Caafiye, ma bixino daaweyn ku saabsan gargaarka deg dega ah, sida:

  • Dhaawacyada maskaxeed
  • Dhaawacyada laf dhabarta
  • Dhiig baxa
  • Dilaaca/jeexitaanka jirka
  • Miyir beelid
  • Lafo jabay
  • Gubashada
  • Sumowga

Iyo daawaynta u baahan qaliin deg deg ah.