Caafiye waa rug caafimaad oo bixisa la talin caafimaadka Haweenka, Nidaamka redista culeyska jirka, iyo la-talin caafimaad guud.
Adeegyadan aan bixino waa dhamaan inta aan qibradda u leenahay aan hubno in aad daryeel caafimaad ku heli doontid
Ku haboon dumarka u baahan la tashi iyo hagid ku saabsan caado wareerka, caado qalqalka, calaamadaha caado go'a, iyo arrimaha kale ee saameeya caafimaadka haweenka.
⏱ 90 daqiiqoQIIMAHA
Ku haboon qofka doonaya in ay iska rido 10kg - 20kg si saxan oo caafimaad ah, 90 maalmood gudaheeda, oo aad ku noolaato nolo caafimaad ah oo joogta ah.
📅 90 maalmoodSi aad u bilaawdo nidaamka 90-maalmood ee lagu rido culeyska jirka — waa in aan marka hore ogaado caafimaadkaaga guud si aan kuugu diyaariyo nidaam saxan, adigana qaas kuu ah.
Ku haboon haddii aad u baahan tahay la qiimeyn iyo daaweyn caafimaad oo xaalad kaliya ah, sharaxaad ku saabsan baaritaannada iyo natiijooyinka, ama fikrad labaad oo dheeraad ah.
⏱ 30–45 daqiiqoQIIMAHA
Saddexda adeeg ka dooro midka kugu habboon xaaladaada maanta.
Maadaama boosaska ay yaryihiin, sii balanso dhaqtarka maanta.
Balanta aad qabsatay waxay ku xiran tahay inaad sii bixiso lacagta.
Waxaa kusoo wici doona dhaqtarka maalinta iyo saacada balanta.
SIDA AAN UGA DUUWAN NAHAY DHAQAATIIRTA KALE
Uma baahnid inaad safar iyo sugis dheer u gasho si aad u hesho la-talinta caafimaad.
Waxa kaliya aad u baahan tahay waa mobile-kaaga iyo qadka WhatsApp oo kaliya.
Waxaan aad u texgelinay qofka meesha uu joogo iyo awooda lacagta.
Diiradda waxaan saartnay caafimaadka haweenka iyo caafimaadka guud ee Soomaalida.
Dr. Hassan Y. Munye waa aasaasaha Caafiye, si bukaanadu u helaan la talin caafimaad oo sax ah, sahlan, oo qofka ku heli karo asiga oo gurigiisa jooga. Khibrad — caafimaadka haweenka, daaweynta cudurada dheeraada, caafimaadka guud, iyo habka ugu saxsan ee lagu rido culeyska jirka muddo 90-maalmood ah.
"Aad baan ugu faraxsanahay adeeggan. Dhaqtarku si naxariis leh ayuu iigu sharaxay waxa ku yimi jirkayga. Ugu muhiimsan, gurigayga ayaan ka heli karay iyada oo aan safar dheer samayn."
Faadumo A.
UK · Caafimaadka Haweenka
"Barnaamijka 90-ka maalmood wuxuu isbeddel weyn ku sameeyay noloshayda. Dabagalka joogtada ahi wuxuu iga caawiyay inaan ku sii jiro. Waad mahadsantahay Caafiye!"
Hodan M.
Norway · Barnaamijka Culeyska
"La-talinta guudu aad ayay iigu faa'iidaysay. Dhaqtarku wuxuu iigu sharaxay natiijooyinkii baaritaankayga si fudud oo cad. Su'aalaheygii oo dhan waa la iga jawaabay."
Sahra I.
Canada · La-talin Caafimaad Guud
Dooro adeegga kugu habboon — Qabso Balan maanta